Qofkaaga deggan guri kiro ah Ku soo biir Ururka kireystayaasha (Hyresgästföreningen) Af-soomaali Ammaan iyo saamayn Adigoo garabsanaya Ururka kireystayaasha waxaad ka qaybgeli kartaa oo samayn ku yeelan kartaa wax badan la xiriira degganaanta. Sida dhibaatooyinka ay mid yihiin qolka dhar-mayrista iyo heshiiska kirada la buriyo ama laga noqdo. Arrimaha fudud waxaan si wadajir ah toos ugu xallin karnaa telefoonka. Haddiise loo baahdo waxaan ku matali karnaa haddii maxkamad la isla tago. Iyadoo ku xiran qofka aad tahay ayuu micna badan oo la xiriira xuquuqda kireysashada aad u kala geddisnaan karaa. Dadka qaar waxay ku qancaan oo keli ah ka helitaanka guriga meesha qaar kale ammaanku door weyn u ciyaarayo. Haddii aad haysato carruur yaryar waxaa laga yaabaa in barxadda carruurta ku ciyaaraan ay micnaha ugu sameyneyso. Ururka kireystayaashu waxay si fiican u yaqaaniin sharciga Ku soo dhoweyn xubinimo aad u wanaagsan – waxyaalo badan oo isugu jira caymisyada iyo tigidhada shaneemada. Ka faa’iideyso adeegyada aan ku leenahay www.hyresgastforeningen.se Ururka kireystayaasha iyo internet-ka Bogga internet-ka ee Ururka kireystayaasha waxaad ka heleysaa jawaabaha su’aalo badan oo la xiriira degaankaaga. Bogga taariikhda waxaad ka ogaaneysaa waxyaalaha xaafaddaada ka dhici doona. Haddii aad dooneyso inaad u hawlgasho meesha aad deggan tahay, waxaad halkaa ka heleysaa talooyin iyo tusaale ku saabsan waxa aad qaban karto. Ku biir Ururka kireystayaasha. Waad ka faa’iidi doontaa. Ma bixisaa kiro sax ah? Kiradu waa in ay si macquul ah ugu dhigantaa heerka iyo tayada guriga. Hawlahayaga ugu muhiimsan waxaa ka mid ah in aan kala xaajoonno kirooyinka iyo in aan cidda guryaha leh oggoleysiinno in ay guriga ku sameeyaan dayactir iyo daryeel. Ma u baahan tahay talasiin arrimaha sharciga? Waxa aan dooneynno Ururka kireystayaasha waxaa u shaqeeya garyaqaano iyo gacanhayayaal aqoon weyn u leh sharciga kirada. Waxaan caawimaad iyo adeeg siinnaa kumanaal xubin ka ah ururka sannad walba. Waxaan dooneynnaa kirooyin caddaalad ku dhisan. Guryaha la kireysto waa in lagu maamulaa shuruudaha guryaha kaloo la deggan yahay oo aan dhibaateyn canshuur iyo khidmado xaqdarro ah. Dalka Iswiidan waxay u baahan yahay guryo badan oo la kiro ah, oo baaxado kala duwan kuna habboon dadka oo dhan meel kasta oo ay nolosha kaga jiraanab. Xaafado badan oo la deggan yahay guryuhu aad ayey u duugoobeen waxayna u baahan yihiin in la dayactiro. Wuxuu qof kasta u baahan yahay in uu ku noolaado hoy wanaagsan oo kiradiidu macquul tahay. Ma og tahay xuquuqdaada? Kireyste ahaan waxaad leedahay xuquuq. Ma dooneysaa in aad ogaato xuquuqda telefoon lagugu la talin karo iyo kuwa u baahan in lagu la kulmo. Haddii waxaad adeegsan karta bogga internetka ee Ururka kirestayaasha www.hyresgastforeningen.se. Ma dooneysaa in aad wax dheeraad ah ka ogaato arrimaha guryaha? Waxaan kantaroolnaa wax walba oo ku saabsan guryaha la kireysto. Waxaad waxyaalaha badankood ka heleysaa wargeyska ururka Hem & Hyra iyo bogga internet-ka. Ma dooneysaa inaad wax ka beddesho meesha aad deggan tahay? Adigoo caawinaad ka helaya Ururka kireystayaasha waxaad wanaajin kartaa degaanka xaafaddaada. Haddii aadan xubin ahayn waa in aad adigu… n n n n raadisaa sidaad ku ogaan lahayd xuquuqdaada isu hadashaa marka la tago goobaha sharciga iska bixisaa kharashka qareenka keligaa la heshiisaa cidda guriga iska leh. Ka faa’iideyso waxtarka xubinimadaada Waxaan maamulnaa wadahadalada oo waxaan bixinaa talooyin ku saabsan arrimaha kirooyinka. Waxaan ku siineynaa caawinaad xagga shariga iyo taageerooyin haddii aad dooneyso in aad ka qaybqaadato hawlaha degaanka aad ku nooshahay. Waxaad naga heleysaa wargeyska Hem & Hyra, adeeg bogga internet-ka, deeqo loogu talagalay dadka xubnaha ah iyo waxyaalo kaloo badan. Ka faa’iideyso waxtarka in aad xubin ka noqoto Ururka kireystayaasha. Nala soo xiriir haddii ay jiraan wax aad dooneyso in aad ka ogaato degaankaaga. Soo wac 0771-443 443 ama naga la soo bogga www.hyresgastforeningen.se Xubinnimada faa’iido ayay leedahay Warbixin dheeraad ah waxaad ka heleysaa bogga www.hyresgastforeningen.se iyo wargeyska Hem & Hyra. Sawirrada: Eva Dalin 2011 In aad xubin ka noqotaa faa’iido ayey kuu leedahay. Ururka kireystayaasha waxaa xubin ka ah tiro kor u dhaafay shan boqol oo kun. Taasi waxay fursad wanaagsan u siineysaa in aan saamayn ku yeelano siyaasadda guryaha ee dalka Iswiidan. Taas micneheedu waxa weeye inaan waaya-aragnimo iyo aqoon u leenahay wax walba oo aad dooneyso in aad ka ogaato degaanka aad ku nooshahay. Intaas waxaa dheer in laguu soo bandhigi doono alaab iyo adeeg loogu talagalay dadka xubnaha ah. Waxaas oo isugu jira caymisyo ilaa tigidhada shaneemooyinka.
© Copyright 2025