Waraaqo warbixin oo ku saabsan xashiishadaha, ´´spice´´ iyo maandooriyayaasha internetka Tani waa xaashiyo ku saabsan xaqiiqda xashiishadaha, ´´spice´´ iyo maandooriyayaasha internetka taas oo ku wajahan adiga oo ah waalid. Xashiishadaha Xashiishada waa magac guud oo loogu talogalay maariwaanada, xashiishada iyo hadhaaga xashiishada kuwaas oo laga soo saaro dhirta. Nooca caadi ahaan loo isticmaalo xashiishada iyo maariwaanada waa iyadoo sida sigaarka loo cabo. Hadhaaga xashiishada waa la la kulaylin karaa oo la jiidaa uumigeeda. Alaabta xashiishadaha waxa kale oo lagu dari karaa cuntada ama cabitaanka oo la liqi karaa. Maadada ugu shaqada badan ee ku jirta xashiishadaha waxa loo soo gaabiyaa THC. THC waa milan dufaneed oo sidaas darteed wakhti dheer qaadata inay ka baxdo jidhka marka la barbardhigo maadooyinka milanka biyaha sida tusaale ahaan khamriga. THC waxay ku kaydsantaa xubnaha leh dufan badan oo ay ka mid yihiin beerka iyo maskaxda, taas oo micnaheedu yahay in walxahan ku hadhaan jidhka wakhti dheer marka la barbardhigo maandooriyayaasha kale. Maariwaanada Ubaxyada iyo qaybaha kale ee dhirta kuwaas oo la qallajiyo oo si fiican loo qaybiyo. Waxay u eegtahay doog qallalay ama xawaashyada. Xashiishad Xabaga la qallajiyay kana timi jiridda, qaybo bunni ah ama u dhow madow. Hadhaaga xashiishada Laga soo saaray dhirta iyadoo la isticmaalay alaabooyin wax milmiya oo kiimiko ah, waa dareere cufan. Waxyeelooyinka iyo khataraha Xashiishaduhu waxay si xoog ah u abuuraan ku tiirsanaan oo daraasado ayaa muujinaya in marka qofku da’a yar ku sii bilaababa ay sii weynaato khatarta ah in qofku u sii gudbo inuu isticmaalo badanabaa iyo si joogto ah. Qof da’ yar maskaxdiisu aad ayay xaasaasi ugu tahay saamayn waxyeelo leh maadaama bislaanshaha maskaxda ee jidh ahaan ay socoto ilaa iyo da’da 25-jirka. Sakhrada xashiishaduhu waxay xumeysaa awooda fikirka iyo in la xakameeyo fikradaha si kedis ah qofka ugu dhasha. Sii xumaantan awooda fikirka waxa lagu dareemaa in ay adkaato awooda wax isku taxallujinta, xusuus xun iyo awooda waxbarida oo xumaata. Cawaaqib xumooyin kale oo halis ah waxay noqon karaan welwel, dareen cabsi leh iyo niyad jab. Calaamadaha iyo saamaynta isticmaalka xashiishadaha Calaamadaha in qof ay saamayn xashiishaduhu ku yeesheen waa indhaha qaybtooda madow oo ballaarata, qaybta cadaanka indhaha oo guduud ah, milicsi dhalaalaya, jeclaanshaha waxyaabo macaan, faraxsanaan iyo qallayl afka ah. Xashiishaduhu waxay leeyihiin ur macaan taas oo laga dareemi karo ag-agaarka qofka. Isticmaalka xashiishadaha waxay keeni kartaa tiro cawaaqib-xumo bulsho ah: dhibaatooyin dugsiga ah, baddelka asxaabta iyo khilaafyo guriga ah. Haddii dhalaankaagu isticmaalo maandooriye oo lagu wargeliyo booliiska waxay tani keeni kartaa dhibaatooyin in la helo oggolaanshaha ruqsadda wadista gaadiidka ama in loo safro tusaale ahaan Maraykanka. Tani waxa kale oo ay culays noqon kartaa marka la raadsanayo noocyo ka mid ah shaqooyinka. ´´Spice´´ iyo maandooriyayaasha internetka Erey-bixinta maandooriyayaasha shabakadda, ama maandooriyayaasha internetka maaha mid sahlan in la fahmo. Maandooriyayaasha internetka waa kalmad aad loo isticmaalo dhinaca saxaafadda oo bilowgeedi waa magaca maandooriyayaasha laga iibsan karo laguna iibin karo dhinaca internetka. Waa maadooyin bilowgoodi hore loo suuq-geliyay laguna iibiyo sidi walax sharci ah (waxa lagu magacaabo murqaanka sharciyaysan) xitaa haddii mar dambe ay noqdeen sharci-darro. Waxay ku saabsantahay walxaha cusub ee raad inagu yeesha, laakiin aan weli lagu qiimeyn inay yihiin tusaale ahaan maandooriye. Waxa ay isku mid ka yihiin maandooriyayaasha internetka waa in laga soo saaray isbaddelo yar oo lagu sameeyay walxo horey caan u ahaa oo nafsada dhaq-dhaqaajiya. Maandooriyayaasha internetka mar kastaba waa kuwo cusub, aan la tijaabin oo lagu micneeyo walxo khatar ah oo loo abuuray ujeedo ah in laga war-wareego sharciga. Kuwa iibiya isla markaana suuq-geliya maandooriyayaasha internetka waxa badanaaba haysata aqoon-la’aan iyo danayn la’aan ah dhinaca hubinta tayada taas oo keenaysa in masiibooyinka aan la huri karin. Tusaalooyin ka mid ah maandooriyayaasha internetka waa isku darka qiiqyo, kiimikooyin iyo waxyaabo laga soo saaray ´´katinoon´´ (MDPV, mefedron) i.w.m. Marka aad iibsato isla markaana aad qaadato maandooriyayaasha internetka waxa aad adigu iska dhigtay qof wax lagu tijaabiyo. Waxa aad qaadanaysaa waa cuseyb, aan la tijaabin oo ah walxo khatar ah. ´´Spice´´ – maandooriyaha internetka ee ugu badan ´´Spice´´ waa magaca guud ee tiro badan oo ah kimikooyinka aan dabiiciga ahayn iyo isku daryada qiiqyada (alaabta ´´spice´´) ee ay ku jiraan. ´´Spice´´ waa daroogo laga soo saaray kiimiko oo ujeedadu tahay inay la mid ahaato xashiishadaha (xashiishada iyo maariwaana) laakiin wax yar ayay la mid tahay xashiishadaha dhinaca qaabkeeda asal ahaan. Isku mid ahaanshaha keliya waa in loo cabo sida sigaarka si loo gaadho sakhrad. ´´Spice´´ waxa lagu iibinayay internetka ilaa iyo sannadki 2006-da. Waxa la qaybiyaa iyadoo ah budo oo cidna, marka laga reebo kiimiko-yaqaanka soo saaray, ma garanayso waxa ku jira. Awooda, tirada iyo waxa run ahaanti ay ka koobanyihiin xoog ayay ugu kala duwanyihiin walxahan la iibiyaa. Waxyeelooyinka iyo khataraha Si budada ´´spice´´, micnihi kiimikadan aan dabiiciga ahayn, ay suurtagal u noqoto in sida sigaarka loo cabo waxa lagu qasaa maaddo xooggan oo mile ah (sida maadedda tinner ee ranjiga lagu badhxo si ranjigu u jilco) waana la buufiyaa/lagu dhex daraa tubaakada ama wax kale oo sida sigaarka loo cabo. Badanaaba shayga ugu dambeyn soo baxa qofka ayaa isku dhex dara taas oo keenaysa khatar weyn in maadada milmaha ahi ay ku sii hadho isku dhex-darka qofku sida sigaarka u cabayo, tani waxay dhaawacyo ku keentaa keliyaha. Kiimikadan aan dabiiciga ahayn waxay saamayn xoogan oo badan ku samaysaa maskaxda bini’aadanka oo waxay keentay waxyaabo ay ka mid yihiin waali, cabsi kedis ah, wadne garaac aan caadi ahayn, cabbirka dhiiga oo kaca, matagyo iyo kookid. Xitaa waxa jira xaalado dhimasho oo la xidhiidha isticmaalka kiimikadan aan dabiiciga ahayn. Maadaama weli aan la hubin waxa ku jira daroogadan sidaas darteed ma jiraan jawaabo waaqici ah oo ku saabsan saamaynteeda waxyeelo ee mustaqbalka. Soo saarayaasha sharci-darada ah waxay si joogto ah u baddelaan isku-daryada ´´spice´´ si ay uga baxsadaan in lagu qiimeeyo maandooriye. Qaabkani waxa ku sii socon karta iibinta furan ee ´´spice´´ ee internetka. Dhinaca tijaabooyinka daroogadan ee maanta la hayo waxa keliya ee lagu caddayn karaa qayb yar oo ka mid ah noocyada kala duwan ee jira. Waxa aynu ilaa iyo hadda ka ognahay ´´spice´´ waa inay abuurto ku tiirsanaan jidh iyo maskax ahaan ah xilliga dhow, taas oo iska deynteedu ka xoog badantahay ta qofka ku tiirsan xashiishada iyo maariwaanada. Saamaynta/waxyeelooyinka sakhrada degdegga ah: • • • • • • • • • • • dhiig-kar sareeya wadne garaacid badan kacsan/welwel walbahaar cabsi waali degdeg ah iyo khal- khal dareen in la waayay hawo xanuun laabta ah wadne xanuun kokid suuxid Saamaynta/waxyeelooyinka ka dib marka wakhti la soo isticmaalay ´´spice´´: • raad ku yeelataa difaaca jidhka, taas oo keenta khatarta korodha dhinaca infekshanada iyo u nuglaanta abuurida kansarka • dhadhan birta oo kale ah ayaa yimaada • markay dhacdo qaadasho badan waxa qofkaas ku dhici karta dhiigid sanka ah, suuxdin iyo soo qufaca dhiig Saamaynta kale ee ay kala midka tahay xashiishadaha: • farxad badan • afka oo qallalan • gacmo dhidid • dareen gaajo oo badan • qofka oo aamina in la daba socdo • walbahaar Fiiro gaar ah yeelo Way ku adkaan kartaa waalidka in la hubiyo in caruurtoodu isticmaalaan xashiishadaha ama ´´spice´´/ maandooriyayaasha internetka. Daal, danayn la’aan, af qallalnaan, indho guduud ah, jeclaanshaha waxa macaan/dareemo gaajo oo badan iyo dabeecad isbaddel badan ayaa sida hore loo soo sheegay calaamad u ahaan kara xashiishadaha – laakiin waxa kale oo micnaheedu noqon karaa in ilmahaagu yahay oo keliya dhalinyaro! Qaar badan oo ka tirsan calaamadahan ayaa khuseeya xitaa ´´spice´´ balse ay u dheertahay dareen farxadeed oo xoog ah, qofka oo aamina in isaga la daba socdo iyo welwel. Laga yaabee inay ka sii sahlantahay in la helo ”qallab” – sida waraaqaha sigaarka iyo maadada wax milmisa. Waa wax aan caadi ahayn in dhalinyaradu qof ahaantooda duuduubtaan sigaarka caadiga ah isla markaana maadada wax milmisa waxa la isticmaalaa marka ´´spice´´ lagu dhex darayo tubaakada. Sida xaalka dugsigu yahay waa calaamad muhiim ah. Way adagtahay in shaqada dugsigu socoto haddii qofku si joogto ah u cabayo xashiishado. Waxqabad liita oo dugsiga ah iyo ka maqnaansho sabab la’aan ah oo dheeraad ah ayaa ahaan kara calaamadaha. • Ku kalsoono dareenkaaga – waalid ahaan waxa badanaaba la dareemaa haddii wax khaldanyihiin! • Mawqif qaado oo la hadal ilmahaaga – ku dhiiro inaad la hadasho! • Foojignaan u yeelo haddii dhalintaadu cabayaan tubaakada oo ka jooji inaad ku casuunto khamriga. • La xidhiidh qaar ka mid ah dadka lagu sheegay waraaqahan Waraaqahan macluumaadka ah waxa soo saaray Livsstil Kronoberg oo waxa kharaskeeda bixiyay Hey’adda caafimaadka bulshada iyo Kunskapskällar´n oo ku taala Göteborg.
© Copyright 2025