Qoraal-warbixineed

Wadahadalka arrimaha caafimaadeedka ee loogu talagalay 50‐jiryaasha ku nool gobolka Västmanland
Wadahadalka arrimaha caafimaadeedka ee loogu talagalay 50-jiryaasha ku nool gobolka
Västmanland wuxuu ka kooban yahay
- Shay-baarka, qoraal-waydiimaha arrimaha caafimaadka iyo wadahadalka arrimaha caafimaadeedka ku
salaysan muqaalka caafimaadkaaga.
SHAY-BAARKA
Rugta daryeel-caafimaadeedka aad ka tirsan tahay waxaa laga cabbiri doona heerka sonkorta dhiigga,
shay-baarka dufunta dhiigga, cabbirka dhiigkarka, cabbirka dhirirka, cabbirka culayska iyo cabbirka
dhexda. Jawaabta shay-baar iyo jawaabta qoraal-waydiimaha xaalad-caafimaadeedka waxay noqon
doonaan muqaalka xaalad-caafimaadeedka adiga ku gaarka ah.
QORAAL-WAYDIIMAHA XAALAD-CAAFIMAADEEDKA
Qoraal-waydiimaha xaalad-caafimaadeedka waxaa laga jawaaba iyadoo la adeegsanaayo shabakadda
internetka www.1177.se. Qoraal-waydiimaha waxaa ku qoran su’aallo xiriir muhim la leh caafimaadka.
Su`aalaha waxay ku saabsan yihiin heerka dhaqdhaqaaqa jirka, nooca raashinka, tubaakada/sigaarka,
khamriga, hurdada, kadeediska iyo xaalad-noololeedkaaga.
KOLKA WADAHADALKA ARRIMAHA CAAFIMAADEEDKA LAGULA YEELANAAYO
WAXAA MUQAAL LAGA SIIN DOONA XAALAD-CAAFIMEEDKAAGA
Markii shay-baarka laga qaadayo ayaa qabsan karta ballank wadahadalka arrimaha caafimaadeedka.
Wadahadalka arrimaha caafimaadeedka waxaa lagula yeelan doona, markii ugu yaraan ay ka soo wareegato
hal toddobaad tan iyo markii shay-baarka laga qaaday. Waxaa laysla eegi doonaa natiijada shay-baarka,
jawaabta qoraal-waydiimaha, hab-nooleedkaaga iyo caafimaadkaaga. In hal saac u wadahadalka arrimaha
caafimaadeedka qaadan doono ku talagal. Qodobka wadahadalka arrimaha caafimaadeedka ugu muhimsan,
waxaa weeyaan in la kordhiyo caafimaad-wannaagga. Haddii aad caafimaad-wannaag ama xannuun qabto,
waad ka faa’iidaysan doonta wadahadalka arrimaha caafimaadeedka. Haddii loo baahdo waxaan ka caawin
doona dhamaystirida shay-baarka iyo tixraacida ama kormeerid.
Adigoo adeegsanaayo shabakadda internetka 1177.se buuxi qoraal‐
waydiimaha Saldhigga
wadahadalka
arrimaha
caafimaadeedka
Tag rugta daryeel‐
caafimaadeedka
aad ka tirsan
tahay, kaddib
sameey shay‐
baarka, kaddib
qabso ballanka wadahadalka
arrimaha
caafimaadeedka
Wadahadalka
arrimaha
caafimaadeedka
waxaa lagu qaban
doonaa rigta
daryeel‐
caafimaadeedka
aad ka tirsan
tahay
Jawaabka shay‐baarka
ballankiina waa la qabsaday
HALKAAN AYAA QORAAL-WAYDIIMAHA KA HELEYSA
Fadlan booqashada shay-baarka ka hor buuxi qoraal-waydiimaha. Haddii aad booqato shabakadda internetka
www.1177.se hab elektroonik ayaa qoraal-waydiimaha ugu jawaabi karta. Halka laga galo waxaad ka heleysa
dhinaca midigta, eeg calaamaynta.
Wadahadalka arrimaha caafimaadeedka ee loogu talagalay 50‐jiryaasha ku nool gobolka Västmanland
Adigoo adeegsanaayo farsammada aqoonsiga lagu caddeeyo ee loo yaqaanno [bankID, mobilt bankID]
noocyo kale ama password ayaa ku geli karta. Kaddib markii aad guda gasho, qoraal-waydiimaha
caafimaadka waxaad ka heleysa hoosta halka ay ku qoran tahay
Kaddib markii qoraal-waydiimaha ka jawaabto, waxaa wadahalka kahor mas’uuliyiinta rugta daryeelcaafimaadeedka ee aad ka tirsan tahay ayaa gacanta laga saari doona. Ka qaybgelidaada markii aad doonto
ayaa joojin karta adigoo jag-siiya halka ay ku qoran yihiin ereyada ”Avbryt deltagande”. Buuxinta qoraalwaydiimaha waad hakin karta adigoo ka baxa oo kaddib soo gala. Jawabahaaga way keydsan yihiin markii
aad mar kale soo gashid.
HADDII QORAAL-WAYDIIMAHA AAD KA JAAWABI KARIN
Haddii luqadda darteed aysan ku suurtagalayn inaad qoraal-waydiimaha ka jawaabto, waxaad markii
wadahadalka arrimaha caafimaadeedka lagula yeelanaayo xaq ku leedahay in qof turjubaan ah u ku
caawinno. Xaaladaas wargeli rugta daryeel-caafimaadeedka aad ka tirsan tahay markii shay-baarka laga
qaadayo, ama taariikhda wadahadalka arrimaha caafimaadeedka kahor.
BALLAN QABSASHADA WADAHADALKA ARRIMAHA CAAFIMAADEEDKA
Markii shay-baarka dartiisa aad rugta booqanayso, waxaa lagu qaban doonta ballanka wadahadalka
arrimaha caafimaadeedka. La kaalay dabacaad sannadeedka ay ku qoran yihiin taariikhda iwm, taasoo
suurtagelin doonto inaad ku heshisaan ballan labada dhinac anfacaayo. Haddii xayiraada tixgelinta
ballanka ay jirto, waxaad haysata fursad aad wax ugu beddesho adigoo adeegsada shabakadda internetka
www.1177.se ama wac rugta daryeel-caafimaadeedka aad ka tirsan tahay.
Haddii aadan tixgelin ballankii wadahadalka arrimaha caafimaadeedka lagu qabtay, oona kahor laga helin
wargelin waxaad bixin doonta qiimaha ka baaqashada, kaasoo ah (150 kar).