Sharciga cusub oo saameynaya dadka magangelyo doonka iyo qoysaskooda Baarlamaanka Iswiidhan waxa uu ansixiyay sharci cusub kaas oo xadidaya fursada magangelyo doonka ah in la siiyo ama ay helaan sharciga deggenaanshaha wadanka iyo inay dib u midoobaan qoysaskooda. Sharciga cusubi waxa uu dhaqan galay 20 Luuliyo 2016, laakiin wuxuu sidoo kale saameynayaa kuwa codsaday magangelyada20 Luuliyo ka hor. Sharciga cusub waa ku meel gaar oo wuxuu shaqeynayaa saddex sanadood. Oggolaanshaha Degenaanshaha Ku meel gaadhka ah Sida waafaqsan sharciga cusub magangalyo doonka xaqa u leh illaalada waxaa kaliya oo laga siinayaa ruqsada degenaanshaha ku meel gaarka ah Iswiidhan. Qofka la siiyay sharciga qaxootiga waxaa la siin doonaa oggolaanshaha jku meel gaadhka ah sadex sannadood, iyo qofka sharciga lagu siiyey inuu yahay inay dhibaato wadankiisii ka soo gaarayso in dil lagu xukumo, jirdil loo geysto, in si bini’aadanimada ka baxsan loola dhaqmo ama la ciqaabo (allternativ skyddsbehövande) waxa qofkaas sharciga joogtada uu helidoona 13 bilood. Carruurta keligood timaada iyo qoysaska wata carruurta da’doodu ka yar tahay 18 jir ee codsaday magangelyada ee aan ka dambeynin 24-ka Nofeembar 2015, taariiqda goortii dowlada ay soo jeedisay sharciga cusub, waxaa lagu tixgelinayaa sida waafaqsan sharciga hore oo waxay helayaan fursada lagu siinayo ruqsada deggenaanshaha joogtada ah. Oo lagu bixiyay in canuga weli uu ka yaryahay 18goorta Wakaalada Socdaalka ay go’aan ka gaaranayaan. Xadida fursadaha dib isugu keenida qoysaska Sharciga cusubi wuxuu xuduud u yeelayaa fursadihii ay dadka magangelyodoonka qoysaskooda dib ula kulmi lahaayeen ama ay dib ula madoobi lahaayeen. Qofka sharciga deggenaasha joogtada la siiyey sadex sannadood waa qof lagu qeexay inuu buuxiyey shuruudihii qaxootiga (Flyktingsstatus) qofkaasi wuxuu heli doonaa fursad uu qoyskiisii dib ugula midoobo ama ay dib markale isula kulmaan. 2016-07-20 NY_Information om begränsad rätt till uppehållstillstånd och familjeåterförening, somaliska Qofka la siiyey ku dhawaaqida heerka kaalmada illaalada kaas oo codsaday magangalyo aan ka dambeynin 24-kaNofeembar waxaa sidoo kale la siinayaa fursada dib umidoobista qoyska. Laakiin qofka sharciga lagu siiyey heerka (alternativ skyddsstatusförklaring) ee isdhiibay ama magangelyo wadanka weydiistay wixii ka dambeeyey 24 bishii noofambar waxa keliya oo uu xaq u leeyahay in ay qoyskiisa dib isula midoobaan waxyaabaha qaarkood. Haddii laguu sameeyo ruqsada degenaansho ku meel gaarka ah waa kaliya ninkaaga/naagtaada/lamaanaha diiwaangashan /qofka aad isla nooshihiin iyo carruurta aan weli guursan ee da’doodu ka yar tahay 18 jirka ah ayaa codsan kara ruqsada daganaanshaha ee ay kuula soo dagaan Iswiidhan . Si aad u heshaan oggolaansho waxaa khasab ah in aad adiga iyo qofka aad lamaanaha tihiinba aad buuxiseen 21 sannadood, waana khasaba inaad isla deggenaydeen intii aanad iman wadanka Iswiidhan. Ka reebida shuruuda da’da waxaa la sameyn karaa haddii aad carruur isu leedihiin. Waxa kor looqaaday shuruudihii masruufka ama biilinta marka qofka qoyskiisa loo keenayo ama ay dib u midoobayaan. Sharciyada cusub macnahoodu waxay kaloo noqonayaa qofka haysta sharciga deggenaanshaha waxa khasan ku noqonaysa inay naftooda iyo qoyskooda wadanka Iswiidhan u soo guurayaba ay iyagu masruufkooda ka adkaadaan oo ay biilkooda bixiyaan. Waxaana kaloo iyana khasab kugu noqonaysa inaad haysatid guri weyn oo idinku filan gurigaas oo aad si wadjira ugu noolaan kartaan. Sharicyada cusub ee khuseeya shuruudaha masruufka way khuseeyaan dadka haysta sharciga deggenaanshaha iyo kuwa haysta oggolaansho ku meelgaara. Hase ahaatee shuruudaha masruufku ma khuseen doonaan haddii dadka qaraabadaadu ay sharciga deggenaanshaha codsadaan muddo sadex bilood gudahooda ah kadib marka aad adigu heshay sharciga deggenaanshaha. Warbixino intaa dheer Bogga internetka ee www.migrationsverket.se/asylum-somali waxaad ka heleysaa warbixino ku qoran luqadaada ama adigoo iskaan ku samaynaya koodkan hoos ku yaala (QR-koden). 2016-07-20 NY_Information om begränsad rätt till uppehållstillstånd och familjeåterförening, somaliska
© Copyright 2024